Caalin:-“Dowladnimo Lama Helaayo Inta Madaxdeenu Ku Shaqeynayso Hoteeladda”,+Dhageyso

0

Waxaa wali ka Socda  Magaaladda muqdisho shirka Madaxda dowladda Soomaliya iyo maamul goboleedyada kaas 29-kii bishii dhamaatay ka furmay magaalda Muqdisho.

Diblumaasi Maxamed Maxamud Nuur Caalin oo ku sugan magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finlad kana  faalooda arimaha siyaasada  oo lahadlay barnaamijka bartilmaameedka ee ka baxa idaacada Simba ayaa sheegay in shirkan ay ka soo bixi karto midnimo qaran iyo heshiis qaran sida uu aragtidiisa siyaasadeed  ku cabiray.

Siyaasigan ayaa carabka ku dhuftay in nidaamka dowladnimada laga indho la,yahay wuxuuna sheegay in ay adag tahay in dowladnimada ay baahdo inta masuuliyiinta dowldda ay Hoteelo dagan yihiin shirarkoodana ku qabsadaan

Caalin ayaa sheegay in siyaasadan adag haatan dowlada Farmaajo ay wajaheyso  looga  gudbi karo  inuu madaxweynaha  la yimaado barnaamij siyaasaded uu kula shaqeeyo dowlad goboleedyada  bulshadana  u keeno buug siyaasadeed  oo lagu qaato talo qaran iyo midnimo qaran oo lagu gaaro 2022-ka.

Diplumaasigan ayaa sidoo kale soo hadal qaaday daagalka uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya wuxuuna sheegay in dagaal lagalo aysan sahlaneyn balse  loo bahanyahay in qorshe siyaasaded lala yimaado  ayna diyaariyaan dadka aqoonta u leh arimaha dagaalka waxayna taasi fududeyn kataa  buu yiri  in laga guuleeysto Al-shabaab oo uu sheegay inaysan aheyn dagalamayal ku dagaal gala dababado.

Wuxuuna sidoo kale xusay in guusha dowlada ee ka dhanka ah Xarakada Alshabaab  ay ku xirantahay in barlamanka labada aqal ay ansixiyaan sharciga ladagaalanka argagixisada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here