Faah-faahin:-Sarkaal Ka Tirsanaa Booliska Soomaliya oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa xalay magaaladda muqdisho ku dilay mid kamid ahaa saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Saybiyaano ee degmada hodan ee Gobalka banaadir.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray maxamed dheere wuxuuna ka tirsanaa Ciidamadda Booliska Soomaliyeed.

Xaafadaha seybiyaano iyo beerta jaadka waa meelaha ugu halista badan Magaladda muqdisho waxaana inta badan ka dhaca dilal kala duwan.

Bishii aynu soo dhaafnay waxaa lagu dilay xili habeen ah haweeney ka tirsaneed saraakiisha ciidanka booliska gaar ahaan qeybta zaadka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here