Ciidamada Dowladda oo Howlgalo Ka Sameeyay Deegaano Ka Tirsan Shabeellaha Dhexe+Sawirro

0

Ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Ddhexe.

Deeganada ay ciidamada malatariga dowladda soomaliya ay howlgalka ka sameeyeen ayaa u dhaxeeya degmooyinka balcad iyo afgooye, ee gobolada shabeelaha dhexe iyo shabeelaha hoose.

Aabaanduulaha ciidamada xoogga dalka jen. caanood iyo abaanduulaha qeybta 12-ka april jen. koronto ayaa hoggaaminaya howl galkan oo ahaa kii ugu weynaa ciidamada milateriga ka sameeyaan gobolka shabeellaha dhexe.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay kasoo dhaqaaqeen degmooyinka afgooye iyo balcad, waxaana deegaanada u dhaxeeya ka sameeyeen howlgalo, iyagoo qarxiyay miinooyin dhulka lagu aasay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka shabeellaha dhexe oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka axmed meyre makaraan ayaa gaaray deegaanada ay ciidamada ka sameeyeen howl galada.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo dhawaanayay Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe,waxayna miinooyin ay ku aaseen tuulooyinka ka Tirsan Degmadaas kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here