Waxaa wali ka Socda Magaaladda muqdisho shirka Madaxda dowladda Soomaliya iyo maamul goboleedyada kaas 29-kii bishii dhamaatay ka furmay magaalda Muqdisho.
Diblumaasi Maxamed Maxamud Nuur Caalin oo ku sugan magaalada Helsinki ee caasimada dalka Finlad kana faalooda arimaha siyaasada oo lahadlay barnaamijka bartilmaameedka ee ka baxa idaacada Simba ayaa sheegay in shirkan ay ka soo bixi karto midnimo qaran iyo heshiis qaran sida uu aragtidiisa siyaasadeed ku cabiray.
Siyaasigan ayaa carabka ku dhuftay in nidaamka dowladnimada laga indho la,yahay wuxuuna sheegay in ay adag tahay in dowladnimada ay baahdo inta masuuliyiinta dowldda ay Hoteelo dagan yihiin shirarkoodana ku qabsadaan
Caalin ayaa sheegay in siyaasadan adag haatan dowlada Farmaajo ay wajaheyso looga gudbi karo inuu madaxweynaha la yimaado barnaamij siyaasaded uu kula shaqeeyo dowlad goboleedyada bulshadana u keeno buug siyaasadeed oo lagu qaato talo qaran iyo midnimo qaran oo lagu gaaro 2022-ka.
Diplumaasigan ayaa sidoo kale soo hadal qaaday daagalka uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya wuxuuna sheegay in dagaal lagalo aysan sahlaneyn balse loo bahanyahay in qorshe siyaasaded lala yimaado ayna diyaariyaan dadka aqoonta u leh arimaha dagaalka waxayna taasi fududeyn kataa buu yiri in laga guuleeysto Al-shabaab oo uu sheegay inaysan aheyn dagalamayal ku dagaal gala dababado.
Wuxuuna sidoo kale xusay in guusha dowlada ee ka dhanka ah Xarakada Alshabaab ay ku xirantahay in barlamanka labada aqal ay ansixiyaan sharciga ladagaalanka argagixisada.

