Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Axmed Cabullaahi Yuusuf oo shir Jar,aad ku qabatay Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa faah-faahin ka bixiyey howgalada ay ciidanka amaanku kawadaan magaalada Boosaaso kuwaas oo lagu baadi goobayo Hubka aan sharciga aheyn ee shacabka ku dhex haysto Magaalada.
Goobaha Ganacsi iyo Hay’adaha ayuu wasiirku Amniga maamulka ugu baaqay inay sharciyeystaan hubka ay hantidooda ku ilaashanayaan si loogu hayo diiwaanka saxda ee hubka ka baxsan kan Maamulka.
Sidoo kale Wasiirka wasaradda Aminga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf ayaa shacabka u sheegay in wixii ka weyn qoriga loo yaqaano AK 47 inaan loo ogolaanayn inay gacanta ay ku haystaan oo ay isticmaalaan .
Hadalka wasiirka wasaradda Amniga maamulka Puntland ayaa ku soo beegmaya xili uu maanta uu booqday goobaha ay dagan yihiin ciidamada Booliska Boosaaso ee Gobolka Bari.

