Guddiga sare Maxakamada Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa Shaqadii ka joojiyey xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland Gaashaanle Sare Maxamud Faarax Maxamed.
Guddiga sare maxkamada Ciidamada qalabka sida waxaa ay xeer ilaaliyaha Ku eedeyeen in uu gudan wayey shaqadiisa ayna fadhiid noqdeen racfaankii maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida 9bilood ee uu xilkan hayey.
Qoraalka shaqa joojinta waxaa og la siiyey Madaxwayne Ku xigeenka iyo Madaxwaynaha Puntland waxaana saxiixay.
Gudiga sare Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland.
1 S/gusto Siciid Abyan Cigaal Gudoomiye
2 G/le sare Siciid Maxamed Muuse Xubin
3 G/le sare Aadan Xuseen Maxamed Xubin
4 G/le Sare C/Fitaax Xaaji Aadan Xubin
5 G/le dhexe Maxamed Aadan Jamac Xubin
6 G/le dhexe C/risaaq Axmed Cali Xubin

