Shir deg-deg ah oo ay maanta 26/09/2017 isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Axmad Ducaale Geele Xaaf, ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado, Caasimadda ku-meel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Shirkan ayaa looga hadlayay arrimahan: – Go’aankii Madaxweynuhu ka qaatay khilaafka Dowladaha Khaliijka ee uu ku taageeray Isbahaysiga ay horkacayaan Dowladaha Sucuudiga iyo Emaratka.
Amniga degaanada Galmudug guud ahaan gaar ahaan ka Caasimadda ku meelgaarka ah ee Cadaado.- Dardar gelinta howlaha horyaala Golaha Wasiirada.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa warbixin dheer ka siiyay Golaha Wasiirada go’aankii uu ka qaatay khilaafka dowladaha khaliijka ee uu ku taageeray Isbahaysiga dowladaha Sacuudiga, Emaaraatka Carabta, Masar iyo Baxrayn, isagoo xusay in uu taageeray halka ay ku jirto danta shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan shacabka Galmudug, isagoo is bar bar dhigay waxtarka ay noo kala leeyihiin wadamada aan kor ku soo sheegnay iyo dowladda Qadar.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay sida ay muhiim u tahay sugidda amniga degaanada Galmudug guud ahaan gaar ahaan amniga Cadaado iyo inGolaha wasiiradu dar-dar geliyaan howlaha u yaala.
Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Golaha Wasiirada Dowlad GoboleedkaGalmudug, waxay isla garteen qodobadan:
1- In Golaha Wasiirada Galmud ay taageraan Go’aanka Madaxweynaha Galmudug ku taageeray Isbahaysiga ay horkacayaan dowladaha Sacuudiga iyo Emaratka, waxayna goluhu codeyngacantaag ah ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah go’aanka madaxweynaha.
2- Goluhu waxay isla garteen in ay lagama maarmaan tahay in amniga ay adkeeyaan hay’adaha aminigu, kana hortagaan dhaq- dhaqaaq kasta oo khatarku ah amniga.3- In laga howlgalo sidii loo gaarsiin lahaa deeqaha gar-gaarka e yaala dadka tabaalaysan ee abaaruhu waxyeeleeyeen.

