Wasiirka Amniga Puntland “Shacabka Ma Haysan Karaan Hub Ka Weyn AK-47”,+Dhageyso

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Axmed Cabullaahi Yuusuf oo shir Jar,aad ku qabatay Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa  faah-faahin ka bixiyey  howgalada ay ciidanka amaanku kawadaan magaalada Boosaaso kuwaas oo lagu baadi goobayo Hubka aan sharciga aheyn ee shacabka ku dhex haysto Magaalada.

Goobaha Ganacsi iyo Hay’adaha  ayuu wasiirku Amniga maamulka  ugu baaqay  inay sharciyeystaan hubka ay hantidooda ku ilaashanayaan si loogu hayo diiwaanka saxda ee hubka ka baxsan kan Maamulka.

Sidoo kale Wasiirka wasaradda Aminga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf ayaa shacabka u sheegay in wixii ka weyn qoriga loo yaqaano AK 47 inaan loo ogolaanayn inay gacanta ay ku haystaan oo ay isticmaalaan .

Hadalka wasiirka wasaradda Amniga maamulka Puntland  ayaa ku soo beegmaya xili uu maanta uu booqday goobaha ay dagan yihiin ciidamada Booliska Boosaaso ee Gobolka Bari.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here