Wararka ka imaanaya Tuulo Barwaaqo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Ciidamada Xarakada Al-shabaab ay xabsiga dhigeen dad lagu qiyaasay 7-ruux oo labo dumar yihiin.
Al-shabaab ayaa dadka ay xabsiga dhigeen waxa ay ku eedeeyeen in wax ka ogaayeen dil tuulo barwaaqo loogu geystay taliyihii Al-shabaab ugu magacawnaa Gobolka Gedo C/laahi Ibraahim Qansas kaasi oo lagu dilay Howlgal qorshaysan ay fuliyeen Ciidamada Dowladda federaalka Soomaliya Gobolkaas.
Cali Yacquub nuur oo kamid Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ee gobolka gedo oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in dadka xabsiga la dhigay guryahooda lagala baxay islamarkaana lagu tuhmaayo in wax ka ogaayeen howlgalkii lagu qaarijiyay C/laahi Qansas.

