Qaramada Midoobay iyo dowlda Kenya ayaa kawada hadlay in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda kaa oo burburay kadib markii ay dowlada Kenya diiday in ciidamadeeda ka howl galiso gudaha dalka koofurta Suudaan.
kulankan u dhaxeeyay Uhuru Kenyatta Madaxweynah dalka Kenya iyo xoghaya qaramada midoobay ee cusub General Antonio Guterres ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
waxaana uu noqonaya kulankann kii ugu horeeyay ay wada qaadaataan madaxda dalalka Africa iyo madaxa qaramada midoobay, kaa oo diirada lagu saaray howlgalada nabad ilaalinta iyo amniga gudaha dalka soomaaliya oo howlgalka amisom ka’socdo.
Mr Guterres iyo Kenyatta ayaa diirada saaray dib u dhiska iyo soo nooleynta nabada soomaaliya iyo sidii markale soomaaliya cagaheeda ay ugu istaagi laheyd waxaana ay dowlada Kenya codsatay in laga taageero howlgalka ay imika soomaaliya u joogto.

