Tiro Dad ah oo Loo Xiray Dilkii Taliyihihii Al-shabaab ee Gobolka Gedo+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya  Tuulo Barwaaqo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Ciidamada  Xarakada Al-shabaab ay xabsiga dhigeen dad lagu qiyaasay 7-ruux oo labo dumar yihiin.

Al-shabaab ayaa dadka ay xabsiga dhigeen waxa ay ku eedeeyeen in wax ka ogaayeen  dil tuulo barwaaqo loogu geystay taliyihii Al-shabaab ugu magacawnaa Gobolka  Gedo C/laahi Ibraahim Qansas kaasi oo lagu dilay Howlgal qorshaysan ay fuliyeen Ciidamada Dowladda federaalka Soomaliya Gobolkaas.

Cali Yacquub nuur oo kamid Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ee gobolka gedo  oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in dadka xabsiga la dhigay guryahooda lagala baxay islamarkaana lagu tuhmaayo in wax ka ogaayeen howlgalkii lagu qaarijiyay C/laahi Qansas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here