Madaxda howlgalka Ururka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM ayaa ku amaanay dowlada Burundi taageerada nabad ilaalin ay soomaaliya u joogto kadib markii kulan ay wada qaateen taliyaha ciidamada burundi Prime Niyongabo oo booqasho ku yimid Soomaaliya isaga oo la kulmay ku-xigeenka howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Lydia wanytaa iyo saraakiil kale oo katirsan howlgalka AMISOM.
Kulan ka dhacay xarunta xalane ee fariisinka AMISOM waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Soomaliya Lt. Gen. Osman Noor Soubagle, saraakiil ka Tirsan Ciidamada Kenya,Uganda, Ethopia Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika Amisom ee Soomaliya.
Taliyaha ciidamada burundi Prime Niyongabo intuu ku sugnaa Soomaliya waxa uu sidoo kale howlo shaqo uu ku tagay Fariisamaha Ciidamada Burundi ay ka joogaan Gobolada dalka Soomaliya, gaar ahaan Maamulka Hir-shabeelle isagoo kala soo hadlay saraakiisha halkaas ku sugan waxyaabaha u qabsoomay.
Ku-xigeenka howlgalka midowga Africa ee soomaaliya Lydia wanytaa oo ugu horeyntii kulanka ka hadashay ayaa ku amaantay Ciidamada Burundi sida ugu qeyb qaateen sugida amniga doorashadii ka dhacay Maamulka Hir-shabeelle iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.
Lt. Gen. Prime Niyongabo Taliyaha Ciidamada brundi ayaa sheegay in ciidamada Brundi ay soomaliya ka laaban doonaan iyadoo nabad ah islamarkaana laga guuleystay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee soomaliya wali ku sugan, wuxuu sidoo kale wadamada kale ee Ciidamada Soomaliya usoo diray ku amaanay sida ay u jecelyihiin in Soomaliya ay nabad noqoto.
Brundi ayaa ah wadanka Labaad ee ugu badan ee Ciidamo usoo diray Soomaliya waxaa ka joogo ciidamo lagu qiyaasay 5,432-askari.







