Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaliya oo isku Raacay in La Qaado Howlgal ka Dhan ah Al-shabaab+Dhageyso

0

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Raisulwasaare Ku-xigeenka  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed cumar Carte.

Kulanka maanta ayaa loogu  hadlay arrimo ay ka mid yihiin amaanka dalka, iyo weerarkii ismiidaaminta ahaa ee  Xarakada Alshabaab ay ku qaadeen dhawaan ilinka Hore ee Madaxtooyada Soomaliya iyo Hoteelka Syl ee Magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Tacsi u direy dhamaan dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Syl iyagoo sidoo kale xaqiijiyay in weerarkaas uu ku dhintay Taliyihii Ilaalada Irida hore ee Madaxtooyada Soomaliya  bashiir Yaasiin.

Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa Golaha Horgeysay howlgal cusub oo lagula dagaalamayo Xaraada Al-shabaab oo mudooyinka dambe kordhisay weerarada ay ku qaadayso xarumaha dowlada.

30-bishii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii dagaalyahan ka Tirsan xarakada Al-shabaab uu weerar ismiidaamin ahaa uu ku qaaday afafka Hore ee Madaxtooyada inta la xaqiijiyay dad kor u dhaafaya 40-ruux ayaa ku dhintay weerarkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here