Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in magaaladaas lagu dilay nin ganacsade ahaa oo si weyn loogu yaqaanay Magaaladaas.
Ninka Ganacsadaha ahaa ayaa lagu magacaabi jiray C/laahi Cismaan Shiikh Axmed waxaana lagu dilay Suuqa lagu iibiyo Aragi gaar ahaana halka loo yaqaan Darxumo oo ku taal magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Ala U Naxariisteen C/laahi Cismaan Shiikh Axmed ayaa xiligii ladilayey Waxaa lasocday nin kale waxaana soo gaaray dhawac fudud oo dhanka gacanta ah isagoo lagu dabiibayo dhawacii isbitalka guud ee Gaalkacyo.
Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdi Xuseen Maxamed oo la Hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in rasaas ay isweedaarsadeen labo maleeshiyo oo kasoo kala jeeda labada Maamul ay sababtay dhimashada Ganacsadaha iyo dhaawaca labo ruux oo kale.

