Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Raisulwasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed cumar Carte.
Kulanka maanta ayaa loogu hadlay arrimo ay ka mid yihiin amaanka dalka, iyo weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Xarakada Alshabaab ay ku qaadeen dhawaan ilinka Hore ee Madaxtooyada Soomaliya iyo Hoteelka Syl ee Magaalada Muqdisho.
Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa Tacsi u direy dhamaan dadkii ku dhintay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Syl iyagoo sidoo kale xaqiijiyay in weerarkaas uu ku dhintay Taliyihii Ilaalada Irida hore ee Madaxtooyada Soomaliya bashiir Yaasiin.
Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa Golaha Horgeysay howlgal cusub oo lagula dagaalamayo Xaraada Al-shabaab oo mudooyinka dambe kordhisay weerarada ay ku qaadayso xarumaha dowlada.
30-bishii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii dagaalyahan ka Tirsan xarakada Al-shabaab uu weerar ismiidaamin ahaa uu ku qaaday afafka Hore ee Madaxtooyada inta la xaqiijiyay dad kor u dhaafaya 40-ruux ayaa ku dhintay weerarkaas.

