Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo Si Cad Ugu Soo Horjeystay in ay Ka Qeyb Galaan Shirka Magaalada jowhar

0

Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa si cad ugu soo horjeystay hadal kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ee ku aadanaa in 3-da bishaan dib loo amba qaadi doono shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxgaradkii ka haday kulanka ayaa digniin u diray Urur goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka, waxa ayna muujiyeen in aysan marnaba raali ka aheyn in ay ka qeyb galaan shirka maamul u sameynra ee labada gobol maamulka loogu sameenayo.

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliid oo kamid ahaa dadkii ka hadlay Kulanka Maanta ka dhacaya Magaalada Beledweyne  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray Maxamed Cabdi Afey , waxa uuna xusay in la wado qorshe colaad lagu abuurayo, waxa uuna uga digay beesha Caalamka in qarash ku bixin shirka ka furmaya Jowhar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here