Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa galabta gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Wasiirka oo ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa Garoonka Cadaado ee Caasimada Maamulka Galmudug ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana daqiiqado ka dib loo galbiyay Madaxtooyada Cadaado.
Ujeedka safarka wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya ee Magaalada cadaado ayaa lagu sheegay dardar-gelinta soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee laga soo xulaayo deegaanada Galmudug, iyo wada-hadal lala galo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna waljameeca.

