Warbixin uu soo saaray Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in xarakada al-shabaab ay Qatar badan ku hayso Gobolada Bari Qaarada afrika.
Ururka waxa uu sheegay in shabaab ay haatan xubno badan ku yeesheen inta badan waddamada Gobolka sida Kenya, Jabuuti, Uganda, iyo Itoobiya kuwaasi oo Ciidamo ay ka joogaan koonfurta iyo Bartamaha soomaliya.
Warbixinta Urur Goboleedka IGAD ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xarakada al-shabaab ay leeyihiin Ciidamo u Tababaran qaab Malatari ah oo ka howlgala gudaha dalka Kenya kuwaasi oo geysta dilalka, qaraxyada, si lamid ahna waxa ay Ciidamo Malatari ah ay u diyaariyaan dalka ethopia.
Jaysh Ayman oo kamid ah al-shabaab ayay Urur Goboleedka IGAD ay sheegeen in dagaalo ay ka wadaan Gudaha Dalka Kenya kuwaasi oo intooda badan guuleystay, halka Jaysh al-Usra ay sheegeen in aysan ku guuleysan weeraro loogu talagalay in ay ku qaadaan dalka Itobiya.
Xarakada Al-shabaab ayaa dagaal xoogan kula jirta Dowlada soomaliya iyo Ciidamada Amisom oo ka kala socda dalalka Kenya, Jabuuti, Uganda, iyo Itoobiya.

