Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaliya oo ka Hadashay Howlgalo Laga Sameeyay Deegaano ka Tirsan Gobolka Jubada Dhexe

0

Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ka Hadashay Hawlgalo isbuucii la soo dhaafay laga fuliyay saddex goobood oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, laguna beegsaday  Al Shabaab.

War Saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda, ayaa lagu sheegay in hawlgalada laga kala sameeyay Degmada Saakow, Hargeysa Yarey iyo Sunguuni. Hawlgalka laga sameeyay Saakow ayaa War Saxaafadeedka lagu sheegay in lagu dilay Sarkaal muhiim ahaa, inkastoo aan magaciisa lagu xusin.

War Saxaafadeedka, ayaa u qornaa sidatan:-

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Sunguuni ee Gobolka Jubadda Dhexe. Waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab iyo isbaaro ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah. Degmada Sunguuni ayaa ah mid istiraatiiji u ah Al Shabaab, waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa Webiga Jubba.”

“Sidoo kale hawgalka laga sameeyey Degmada Jilib, gaar ahaan tuuladda hargeysa Yarey ayaa lagu gubay gaadidka dagaalka, waxaana lagu dilay tiro ka tirsan Al Shabaab.”

“Hawgaladan oo ahaa mid is daba-joog ah ayaa laga sameeyay Degmadda Saakow oo saldhig wayn u ah cadowga umadda Soomaliyeed, waxaana lagu dilay horjooge muhim ah oo dib laga faah faahin doono, waxaana lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan.”

“Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo  Al Shabaab, iyadoo maantana aysan jirin goob ay kalsooni ku joogaan oo mar walba weeraro qorsheysan lagu qaadi doona dalkana laga sifeynayo.”

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here