Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Odawaa oo Gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa  galabta gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka oo ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa Garoonka Cadaado ee Caasimada Maamulka Galmudug ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, waxaana daqiiqado ka dib loo galbiyay Madaxtooyada Cadaado.

Ujeedka safarka wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya  ee Magaalada cadaado ayaa lagu sheegay dardar-gelinta soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee laga soo xulaayo deegaanada Galmudug, iyo wada-hadal lala galo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna waljameeca.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here