Taliyaha qaybta Guud Ciidamada Booliska Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland C/waaxid C/dille Warsame Awdoon ayaa Soo Saray Amaro ka dhan ah Dhalinyarada ku Ganacsada korkooda ee Wareejiyaasha loo yaqaan oo intooda Badan ka soo jeeda Gobalada Koofurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Bay iyo Bakool , kuwa ka Shaqeeya Meelaha Timaha lagu jaro iyo Kaamam Barakacayaasha kuwaasi uu Xusay in Dhaamtood ay Halis ku Yihiin Amaanka Waqooyiga Gaalkacyo
Amarada uu soo saray Gaashaanle Sare Awdoon ayaa ah Kuwa Faraya inay isdiwaan galiyaan Dadka aan Asal ahaan ka soo Jeedin Puntland oo ay ka mid yihiin Raga ka shaqeeya tima-jarayaasha, ,wareejiyaash,rootileyda,kabar-layaasha iyo Dhalinyarada ku Shaqaysta Mooto Bajaajta si baaritaan loogu Sameeyo inay ku lug leeyihiin fal-danbiyeedyada ka dhan Gaalkacyo.
Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Gobalka Mudug ee puntlan inay dajiyeen qorshihii ay ku xaqiijin lahaayeen Amaanka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug oo ay haddana ay ka soconayaan Howl-galo lagu baadi Goobayo dadka Xiriirka la leh Al-shabaab.
Sidoo kale G/sare Awdoon ayaa sheegay in Boolisku uu dhex-galayo shacabka si lo ogaado dadka khatarta ku ah bulshada,kuwaaso u adeeg sida uu hadalka u dhigay Cadowga Maamulak Puntland.
Waxaan la saadaali Karin waxa Qorshahaan uu soo rogay Taliska Ciidamada Booliska Puntland uu ka badali doono Waqooyiga Gaalkacyo oo Waayadaan Danbe u muuqatay inay Hoy ka dhigteen kooxo u gaar sada dadka u Shaqeeya Maamulka Puntland iyo kuwa Magaca ku Dhex leh Bulshada Puntland ee Gobalka Mudug.

