Dhageyso:-Maamulka  Gobolka Mudug ee Puntland oo Soo Saaray Amaro ka dhan ah Dhalinyarada kasoo jeeda Koonfurta Soomaliya

0

Taliyaha qaybta Guud Ciidamada Booliska Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland C/waaxid  C/dille Warsame Awdoon ayaa Soo Saray Amaro ka dhan ah Dhalinyarada ku Ganacsada korkooda ee Wareejiyaasha loo yaqaan oo intooda Badan ka soo jeeda Gobalada Koofurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada  Bay iyo Bakool , kuwa ka Shaqeeya Meelaha Timaha lagu jaro iyo Kaamam Barakacayaasha kuwaasi uu Xusay in Dhaamtood ay Halis ku Yihiin Amaanka Waqooyiga Gaalkacyo

Amarada uu soo saray Gaashaanle Sare Awdoon  ayaa ah Kuwa Faraya inay  isdiwaan galiyaan Dadka aan Asal ahaan ka soo Jeedin Puntland oo ay ka mid yihiin  Raga ka shaqeeya  tima-jarayaasha, ,wareejiyaash,rootileyda,kabar-layaasha iyo Dhalinyarada ku Shaqaysta Mooto Bajaajta  si baaritaan loogu Sameeyo inay ku lug leeyihiin fal-danbiyeedyada ka dhan Gaalkacyo.

Taliyaha ayaa sheegay  in Ciidamada Booliska Gobalka Mudug ee puntlan  inay dajiyeen qorshihii ay ku xaqiijin lahaayeen  Amaanka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug oo ay haddana ay ka soconayaan Howl-galo lagu baadi Goobayo dadka Xiriirka la leh  Al-shabaab.

Sidoo kale G/sare Awdoon ayaa sheegay in Boolisku uu dhex-galayo shacabka si lo ogaado dadka khatarta ku ah bulshada,kuwaaso u adeeg  sida uu hadalka u dhigay Cadowga Maamulak Puntland.

Waxaan la saadaali Karin waxa Qorshahaan uu soo rogay Taliska Ciidamada Booliska Puntland uu ka badali doono Waqooyiga Gaalkacyo oo Waayadaan Danbe u muuqatay inay Hoy ka dhigteen kooxo u gaar sada dadka u Shaqeeya Maamulka Puntland iyo kuwa Magaca ku Dhex leh Bulshada Puntland ee Gobalka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here