Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaal-ka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sheegay in Bulshada Soomaaliyeed aysan Kalsooni Badan ku qabin Adeegyada Aas-aasiga u ah Nolosha Bulshada kuwaas oo laga Heli karo dalka Gudihiisa.
Madaxweynaha ayaa Xusay in Adeegyo dhanka caafimaad-ka ah oo laga heli karo dalka Gudihiisay ay dadka soomaaliyeed u aadan wadamo kale taasi oo muujinaysa in Bulshada Soomaaliyeed aysan Aaminaad badan ku qabin wax soo saarka DalkoodA arintaas oo Madaxweynuhu ku tilmaamay mid laga fiican yahay.
Mudane Xasan ayaa Bulshada Soomaalyeed Cod Dheer ugu baaqay inay ku Kalsoonaadaan oo ay aaminaan Adeegyada Caafimaada ee Dalka Gudihiisa halkii ay meel dheer caafimaad ugu aadi la haayeen wadan kale asagoo intaa hadalkiisa sii raaciyey in Dowlada Soomaaliyeed ee uu Hogaamiyo dadaal badan ku Bixisay Sidii loo Horumarin lahaa Adeegayada Muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed.

