Maamulka Galmudug oo Sheegay In La Toogan Doono Ruuxii Lagu Helo Asagoo Isbaaro ay U Taalo Deeganada Galmudug

0

Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Galmudug ee Magaalada Cadaado Dhame Cumar Macalin Cali oo u Waramay Idaacada Simba  ayaa Sheegay in Maamulka Galmudug uu Go’aamiyey in  uu Toogto Ruuxii lagu helo Asagoo Isbaaro ay U taalo Gobalada Mudug iyo Galgaduud  Taasi oo uu  Tilmaamay inay Hada ka Dhaqan Gashay inta badan Deegaanada Galmudug.

Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado oo Hadalkii Si Wata ayaa baaq u diray Dadka Isbaarooyinka Dhigta iyo kuwa u Dagaalama qaabka Qabaa’ilka oo  uu ku sheegay inay Dhibaato ku yahaan Xasiloonida Deegaanada Galmudug inay Joojiyaan Falalka Caynkaas ah.

Hadalka Dhame Cumar Macalin Cali Taliye ku Xigeen Ciidamada Booliska Cadaado ayaa Waxa uu imaanayaa ayadoo Shalay uu Dagaal qasaaro Dhimasho iyo Dhaawacba Sababay uu Ciidamada Amaanka Galmudug iyo Kooxo isbaaraley ah oo sida la Sheegay uu Hogaaminayay Nin Ganacsade ah uu ku Dhexmaray Deegaanka Godin labe ee Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here