Xildhibaan Black:-“ Wuu Noo Hanjabay Gudoomiyaha Baarlamanka K/Galbeed kadib Mooshinkii aan Ka Gudbinay

0

Xildhibaan Xasan Black oo kamid ah Baarlamanka maamulka koonfur Galbeed Soomaliya  oo lahadlay Warbahinta simba ayaa sheegay in qaar kamid ah Xildhibaanadii mooshinka kawaday  Gudoonka sare ee Barlamaanka  Maamulkaas in ay ka Tanasuleen  kadib markii u cadaadis kaga yimid Guddoonka sare iyo laaluush ay ka heleen Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan.

Waxa uu Tilmaamay in Hanjabaad joogto ah ay kala kulmaan Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Gudoomiye C/qaadir Shariif Sheekunaa Maye oo ah Mas’uulka laga wado Mooshinka.

Xildhibaan black oo si hadlayay ayaa xusay in wali ay jiran Xildhibaano badan oo wada mooshinka waxa  uu ku adkeystay in  mooshinka halkiisa kasii socon doono 14bari ee soo socota ay ka doodi doonaan Arrimaha Mooshinka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliy Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan  ayaa dhawaan soo Faragaliyay arrimaha Mooshinka qaar kamid ah xildhibaanada ayaa la sheegayaa in loo balan qaaday lacago si ay meesha ugu saaraan mooshinka laga wado Gudoomiye C/qaadir Shariif Sheekunaa Maye.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here