Xildhibaan Xasan Black oo kamid ah Baarlamanka maamulka koonfur Galbeed Soomaliya oo lahadlay Warbahinta simba ayaa sheegay in qaar kamid ah Xildhibaanadii mooshinka kawaday Gudoonka sare ee Barlamaanka Maamulkaas in ay ka Tanasuleen kadib markii u cadaadis kaga yimid Guddoonka sare iyo laaluush ay ka heleen Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan.
Waxa uu Tilmaamay in Hanjabaad joogto ah ay kala kulmaan Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Gudoomiye C/qaadir Shariif Sheekunaa Maye oo ah Mas’uulka laga wado Mooshinka.
Xildhibaan black oo si hadlayay ayaa xusay in wali ay jiran Xildhibaano badan oo wada mooshinka waxa uu ku adkeystay in mooshinka halkiisa kasii socon doono 14bari ee soo socota ay ka doodi doonaan Arrimaha Mooshinka.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliy Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa dhawaan soo Faragaliyay arrimaha Mooshinka qaar kamid ah xildhibaanada ayaa la sheegayaa in loo balan qaaday lacago si ay meesha ugu saaraan mooshinka laga wado Gudoomiye C/qaadir Shariif Sheekunaa Maye.

