Dhageyso:- Somali-land oo Kasoo Horjeysatay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka Qodobadii Kasoo Baxay

0

Maamulka Somali-land ayaa si cad ugu soo horjeystay  Shirkii Madasha wadatashiga qaranka oo 9-kii bishaan lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya iyadoo qodobadii kasoo baxay ay kamid ahaayeen in Somali-land ay qeyb ka tahay Doorashada soomaliya ka dhacaysa Labo Bilood Kadib.

Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo la hadlay  Laanta afka soomaliga ee BBC ayaa sheegay in maamulka Somaliland aysan quseyn doorashada lagu wado in ay dalka ka dhacdo dabayaaqada sanadkaan.

Waxa uu Tilmaamay Wasiirka Wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire in Doorashada lagu wado in labo bil kadib ay in ka dhacdo soomaliya In tahay mid lagu qiyaamayo shacabka rere Somali-land.

“labo wadan baan kala nahay Somaliland iyo Somaliya ayaan kala nahay cid naga matashaa ma jirto dalkaa Somaliya la dhaho, Nabad ayaan ku wada noolaaneynaa maadaama aynu nahay labo dal oo walaalo ah, marar badan ayaan ka hadal geedi socodka Siyaasada Somaliya inaysan waxba naga quseyn.

Shirkii Madasha wadatashiga qaranka ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Muqdisho  Todobaadkaan qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa in Somali-land  11-xubnood laga siiyay Xubnaha aqalka sare iyo aqalka Hoose.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here