Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee Xarunta Maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa kulamo la qaatay Madaxda Maamulkaas.
Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladaas isagoo kulamo la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomalida itoobiya uu ugu horeeyo madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii la iskaaga kaashan lahaa arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, ganacsiga, waxbarashada iyo xiriirka labada dhinac.
Booqashada uu Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku tagay magaalada Jigjiga ayaa noqoneysa Booqashadii ugu horeesay uu halkaasi ku tago Madaxweyne Soomaaliyeed oo xil haya.

