Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir Mungaab oo Loo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaalada

0

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa idaacada simba u xaqiijiyay in Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir  ahaana duqa Magalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) in  loo Magacaabay wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumada Federaalka Soomaliya.

Tan iyo markii  laga qaaday xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab)  waxaa jirey warar soo baxayay oo sheegaya in loo magacaabayo xilka wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumada Federaalka Soomaliya.

Dabayaaqadii Oct 26, 2015-kii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii xilka laga qaaday Mudane  Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) tan iyo xiligaas waxaa jiray xil loo raadinayay isaga si lo qanciyo beesha uu kasoo jeedo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here