Ilo lagu kalsoonan karo ayaa idaacada simba u xaqiijiyay in Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqa Magalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) in loo Magacaabay wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumada Federaalka Soomaliya.
Tan iyo markii laga qaaday xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) waxaa jirey warar soo baxayay oo sheegaya in loo magacaabayo xilka wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumada Federaalka Soomaliya.
Dabayaaqadii Oct 26, 2015-kii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii xilka laga qaaday Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) tan iyo xiligaas waxaa jiray xil loo raadinayay isaga si lo qanciyo beesha uu kasoo jeedo.

