N’Golo Kante oo ka Hadlay Sababta  ka Dambeysay in uu ku Biiro Chelsea

0

Saxiixa Cusub ee Kooxda Chelsea N’Golo Kante ayaa sheegay in aysan jirin cid si qasab ah ku keentay kooxda Blues balse ay mar walba riyadiisa ay aheyd u ciyaarista kooxda Champions League ciyaareysa.

Kooxda Chelsea ayaa xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay  ku guuldareysatay usoo bixitaanka koobka Champions league kadib markii ay ku dhameysatay kaalinta 10-aad ee kala sareynta Horyaalka dalka Ingiriiska.

N’Golo Kante ayaa Chelsea kaga yimid kooxda ku guuleysatay Horyaalka dalka Ingiriiska Leicester City.

Waxa uu aaminsan yahay in Chelsea ay dib ugu soo laaban doonto dhanka qaarada Yurub madaama  uu kooxda Hogaamiyo Macalinka reer talyaani ee Antonio Conte.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here