Madaxweynaha Puntland oo Maanta ku Wajahan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

0

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku wajahan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas Wafdiga uu Hogaaminaayo oo isugu jira Wasiiro, iyo xildhibaano ayaa kormeero ku tagi doona Magaalada Gaalkacyo qeybaheeda kala duwan iyagoo sidoo kale kulamo la qaaadan doona Madaxda Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Puntland.

Woqooyiga Magaalada  Gaalkacyo ee Gobolka Mudug  waxa maalmihii dambe ka dhacayay dilal loo geysanayay Mas’uuliyiin  ka Tirsan Maamulka Puntland waxaa ugu dambeeyay dilkii dhawaan loo geystay Xildhibaan Deegaaneed oo lagu dilay Xaafada Garsoor ee Magaaladaas.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here