Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada Al-shabaab ay gubeen gaari booyad ah, oo ay lahaayen Ciidanka Dowladda Somaliya.
Gaarigan oo ka tagey Xerada Laanta Buuro oo aheyd xiligii dowladii dhexe ee soomaliya xabsigii ciidamada asluubta Soomaliyeed, oo ay degan yihiin Ciidanka Militariga Dowladda, ayaa biyo ka soo dhaansaday ceel ku yaala Degmada Afgooye.
Soo laabadkii, ayaa la sheegay in gaariga uu ku ciladoobay deegaanka Cabdow Dibile oo ku dhow Xerada Laanta Buuro, iyadoona ilaalo ahaan looga tagey shan askari, halka Ciidankii kale ee galbineysay ay gaareen Xerada Laanta Buuro.
Muddo Kadib Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday Ciidamada ilaalinayay Booyada waxayna Al-shabaab Gubeen gaariga Booyada.
Ciidanka degan Xerada Laanta Buuro oo gurmad ahaan ugu dhaqaaqay halkii lagu weeraray gaariga, ayaa waxay taggeen gaariga oo gubanaya iyo inaanay halkaasi ku sugnayn askartii looga tagey.

