Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku wajahan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas Wafdiga uu Hogaaminaayo oo isugu jira Wasiiro, iyo xildhibaano ayaa kormeero ku tagi doona Magaalada Gaalkacyo qeybaheeda kala duwan iyagoo sidoo kale kulamo la qaaadan doona Madaxda Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee Puntland.
Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxa maalmihii dambe ka dhacayay dilal loo geysanayay Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland waxaa ugu dambeeyay dilkii dhawaan loo geystay Xildhibaan Deegaaneed oo lagu dilay Xaafada Garsoor ee Magaaladaas.

