Dhageyso; Dhalinyaro la Sheegay in ay ka Tirsanaayeen al-shabaab oo Xukuno xabsi daa’in ah Lagu xukumay

0

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada soomaliya ayaa Maanta xukuno Xabsi daa’in ah ku xukuntay dhalinyaro oo la sheegay in ay ka Tirsanaayeen ciidamada al-shabaab oo dhawaan ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya

Raggan ayaa waxaa bishii hore ee September lagu qabtay inta u dhaxeyso Buundooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab, xilli ay la socdeen mooto bajaaj, isla-markaana ay wateen bistoolado iyo bambooyinka gacanta laga tuuro waa sida ay sheegtay Maxkamada ciidamad qalabka sida ee dowlada soomaliya

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajad 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida gaashaanle  Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa  warbaahinta u aqriyay xukunka lagu ridday dhalinyarada la sheegay in ay ka Tirsanayeen ciidamada al-shabaab

Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Darajad 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida  waxa uu sheegay in ragga Maanta xukunka xabsi daainka ah Lagu riddey  ay Maxkamadda ka hor qirteen xubinimadooda xarakada al-shabaab

Dhalinyarada Maanta xukunada xabsi daa’inka Lagu xukumay ayaa kala ahaa Nuuradiin Cali Axmed, Maxamed Cali Cismaan iyo Axmed Mukhtaar C/qaadir oo la sheegay in ay ka Tirsanaayeen al-shabaab

Halkaan ka dhageyso

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here