Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada soomaliya ayaa Maanta xukuno Xabsi daa’in ah ku xukuntay dhalinyaro oo la sheegay in ay ka Tirsanaayeen ciidamada al-shabaab oo dhawaan ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya
Raggan ayaa waxaa bishii hore ee September lagu qabtay inta u dhaxeyso Buundooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab, xilli ay la socdeen mooto bajaaj, isla-markaana ay wateen bistoolado iyo bambooyinka gacanta laga tuuro waa sida ay sheegtay Maxkamada ciidamad qalabka sida ee dowlada soomaliya
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajad 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida gaashaanle Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa warbaahinta u aqriyay xukunka lagu ridday dhalinyarada la sheegay in ay ka Tirsanayeen ciidamada al-shabaab
Sidoo kale Gudoomiyaha Maxkamadda Darajad 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida waxa uu sheegay in ragga Maanta xukunka xabsi daainka ah Lagu riddey ay Maxkamadda ka hor qirteen xubinimadooda xarakada al-shabaab
Dhalinyarada Maanta xukunada xabsi daa’inka Lagu xukumay ayaa kala ahaa Nuuradiin Cali Axmed, Maxamed Cali Cismaan iyo Axmed Mukhtaar C/qaadir oo la sheegay in ay ka Tirsanaayeen al-shabaab

