Kulan Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb Galeen Taliska ciidanka xoogga Soomaaliyeed iyo Hogaanka AMISOM ayaa loogu Hadlay sidii ciidamada dowlada soomaliya ay Mar kale u bilaabi lahaayeen Howlgalada Lagula dagaalamayo Xarakada al-shabaab
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha ciidanka AMISOM iyo saraakiil kale ayaa kala Hadlay sidii loo dar-dargalin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeyn dhaxmarta labada dhinac ee amisom iyo ciidamada dowlada soomaliya.
Taliyaha ciidanka AMISIOM Jeneraal Jonathan Rono ayaa Goobta ka sheegay in Taliska amisom ay ka Go’an tahay in ay ciidamada dowlada soomaliya ku Taageeraan la dagaalanka al-shabaab oo wali ku sugan qeybo kamid Gobolada dalka soomaliya
Ugu dambeyntii Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in Taliska amisom ee soomaliya ay gacan siinayaan sidii ciidamada xooga dalka soomaliya ula wareegi lahaayeen guud dalka soomaliya iyo goobaha ay ku sugan Yihiin al-shabaab
Mudooyinkii dambe ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom ayaa waday Howlgalo ay kula dagaalamayeen ciidamada al-shabaab oo lagala wareegay qeybo kamid ah Gobolada dalka soomaliya.

