War Deg Deg:- Gudoomiyihii Hore ee Arrimaha Bulshada Degmada Dharkinley oo La dilay

0

Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd Gudaha degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Gudoomiyihii Hore ee arrimaha Bulshada degmadaas Ala ha u Naxariistee C/llaahi Ibraahim “Isbiimo”

Raga Hubeysan ayaa la sheegay in C/llaahi Ibraahim “Isbiimo” ay weerareen isaga iyo shaqsi kale oo la socday sida goob-joogayaal ay u sheegeen idaacada simba.

Kooxda dilka  geysatay ayaa goobta ka baxsatay waxaa durbadiiba soo gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada Soomaliya.

Ala ha u Naxariistee C/llaahi Ibraahim “Isbiimo” ayaa dhawaan loo magacaabay Agaasimaha Kormeerka degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here