Rayani Air oo ah Shirkaddii diyaaradeed ee ugu horeysay ee dalka Malaysia ee ku dhaqanta shareecada Islaamka ayaa laga joojiyay in wax duulimaad ah ay samayso kaddib markii lagu helay in ay jabisay xeerarkii Duulimaadyada.
War kasoo baxay Waaxda Duulimaadyada Dadwaynaha ee dalka Malaysia ee DCA ayaa lagu sheegay in kadib markii ay shirkadda diyaaradaha Rayani Air ay jabisay xeerarkii duulimaadyada u yaalay dalka Malaysia ay Waaxda duulimaadyada ay gabi ahaanba ay joojisay duulimaadkeeda ay sameyn jirtay.
Rayani Air ayaa la daahfuray bishii December ee sanadkii hore ee 2015-kii waxay rakaabka siin jireen cuntooyinka xalaasha ah, wax khamri ah lagama ogolayn shaqaalaha waxay u labisan jireen si asturan, Waana sababaha keenay in laga joojiyo duulimaadka.
Sidoo kale Shirkadda waxay lahayd labo diyaaradood oo noocoodu yihiin Boeing 737-400 oo middiiba ay awoodo in ay qaado 180 rakaab ah, sideed duuliye iyo konton shaqaale.

