Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii ciidamada Sirdoonka Puntland iyo ku xigeenkiisa.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu shaaciyay isbedelkaan lagu sameeyay Saraakiisha Hay’ada Sirdoonka Puntland.
Saraakiisha xilalka laga qaaday ayaa kala ah Taliyihii ciidamada PIA [ Puntland Intelegence agency] Sharmake Shiikh Doon iyo ku xigeenkiisa Mudane Abshir Aadan, Xilalkaan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Maxamud Cabdi Maxamed Taliyaha cusub ee ciidamada Sirdoonka Puntland halka ku xigeenka laga dhigay Gaashaanle Dhexe Siciid Salaad Maxamed.
Sidoo kale wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr Gaas ayaa lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xarunta Sirdoonka Puntland ee Magaalada Garowe, waxaana xilkaasi loo magacaabay Cabdiqaadir Jamac Maxamed.
Arintaan isbadalka ayaa lagu sheegay wada-shaqeyn la’aan ka dhex jirtay Hay’ada amniga.


