Kooxo hubeysan ayaa goordhaweyd Gudaha degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Gudoomiyihii Hore ee arrimaha Bulshada degmadaas Ala ha u Naxariistee C/llaahi Ibraahim “Isbiimo”
Raga Hubeysan ayaa la sheegay in C/llaahi Ibraahim “Isbiimo” ay weerareen isaga iyo shaqsi kale oo la socday sida goob-joogayaal ay u sheegeen idaacada simba.
Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay waxaa durbadiiba soo gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada Soomaliya.
Ala ha u Naxariistee C/llaahi Ibraahim “Isbiimo” ayaa dhawaan loo magacaabay Agaasimaha Kormeerka degmooyinka Gobolka Banaadir.

