Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Gaaray Xerada Qaxootiga Dhadhaab+Sawirro

0

Wafdi uu Hogaaninaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta gaaray Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi Bari ee  Dalka Kenya.

Madaxweynaha waxaa Booqashada ku wehlinaya  Madax ka tirsan Dowlada Soomaliya iyo Kenya kuwaasi oo u kuurgali doona Xaaladaha ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira Xerada Qaxootiga Dhadhaab.

Wafdi horudhac u ahaa Madaxweynaha Soomaliya oo uu Hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar ayaa Barqanimadii Maanta gaaray Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi Bari ee  Dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Xeradaasi, isagoona kala hadli doona Xaaladaha Noloshada ee Qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira Xerada .

madaxa ru1 ru-1 ru3

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here