Wafdi uu Hogaaninaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta gaaray Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Madaxweynaha waxaa Booqashada ku wehlinaya Madax ka tirsan Dowlada Soomaliya iyo Kenya kuwaasi oo u kuurgali doona Xaaladaha ay ku sugan yihiin Qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira Xerada Qaxootiga Dhadhaab.
Wafdi horudhac u ahaa Madaxweynaha Soomaliya oo uu Hogaaminaayay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar ayaa Barqanimadii Maanta gaaray Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Xeradaasi, isagoona kala hadli doona Xaaladaha Noloshada ee Qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira Xerada .





