Taliska Ciidanka Midowga Africa Amisom ayaa ka hadlay Askar ka Tirsan Ciidamada Amisom oo shalay xabsiga la dhigay xili ay iibinayeen qalabka loo keeno Amisom iyo Shidaal.
Afhayeenka AMISOM Col. Joe Kibet oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay dowlada Soomaaliya ay kala shaqaynayaan baaritaan Askartaan lagu qabtay ayaga oo ku jira iibinta Qalabka AMISOM.
Wuxuu sidoo kale Col. Joe Kibet uu tilmamay in qalad weyn ay ku kaceen Ciidamada Amisom islamarkaana shaqada Amisom ay soomaliya u joogaan aysan kamid aheyn iibinta qalabka loo keeno Ciidamada.
Afhayeenka AMISOM Col. Joe Kibet ayaa sidoo kale sheegay askarta haatan loo haayo falkaan inaysan xaq u lahayn inay sii joogaan Soomaaliya, sidoo kalana ay ka sii mid ahaadaan ciidanka AMISOM.
Ciidamada Booliska Dowlada Soomaliya ayaa shalay Gacanta ku dhigay Shan askari iyo 10-qof oo Soomali ah oo ku howlanaa iibinta qalabyada loo keeno Ciidamada Midowga Africa ee Amisom xili ay Howlgal ka sameeyeen Degmada Hodan.

