Waaxda Arrimaha Dibada ee Mareykanka war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in dawlada Somaliya aysan soo qaban karin shaqsiyaadka iyo Ururada maal galiya Xarakada Al-shabaab.
War bixintaan kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibada ee maamulka Obama ayaa waxaa lagu xusay in Somaliya aysan haysan Awood ku filan oo ay ku baartoo kuna soo taagto Maxkamad dadka maal geliya falalka Argagixiso,sidoo kalana waxa aad u liita nidaamka Garsoorka Somaliya islamarkaana uu la’yahay qibrad farsamo sida warbixinta kasoo waaxda arrimaha Dibada Mareykanka lagu sheegay.
Hadalkaan kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Dawlada Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Xarakada Al-shabaab ay daqliga ugu badan ay ka hesho wax soo saar sharcidaro ah oo ay ka samayso dalka Gudihiisa, Dhoofinta Dhuxusha,Canshuur ay ka qaataan Ganacsatada iyo shaqsiyaad sigaar ah u taageera.
Ugu dambeyntii warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in Xarakadda Al-shabaab ay ka koobantahay 3,000 iyo 7,000 xubnood.

