Kadib markii dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay Deegaanka Buulo-gaduud ee Gobolka Jubada Hoose ayaa lagu xaqiijisay in dagaalkaas lagu dilay mid kamid ah Hogaamiyaashii Al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Sheekh Maxamed Dulyadeyn.
Wasiirka Amniga ee Maamulka Juba-land C/rashiid Janan oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in Sheekh Maxamed Dulyadeyn In uu kamid ahaa dadkii la dilay.
Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii dhawaan lagu qaaday Jaamacada Gaarisa ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya bishii april ee sanadkii 2015-kii xiligaas oo Aroornimo ay aheyd.
Deegaanka oo dagaalka ka dhacay Xalay ee Buulo Gaduud ayaa qiyaastii 30km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

