Wararka haatan naga soo gaaraya Magalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in Gudaha Magaaladaas goordhaweyd lagu dilay shaqsi horey ugu tirsanaa Al-shabaab balse dhawaan shaaciyay In uu ka baxay.
Shiikhaan oo lagu magacaabi jiray Sheekh C/llaahi Dalab ayaa la sheegay in kooxo hubeysan ay ku dileen Gudaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

