Daawo:-Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo Kamid ahaa Hogaamiyaasha Al-shabaab oo La Dilay

0

Kadib markii dagaal saacado badan qaatay uu ka dhacay Deegaanka Buulo-gaduud ee Gobolka Jubada Hoose ayaa lagu xaqiijisay in dagaalkaas lagu dilay mid kamid ah Hogaamiyaashii Al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Sheekh Maxamed Dulyadeyn.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Juba-land C/rashiid Janan oo Maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in  Sheekh Maxamed Dulyadeyn In uu kamid ahaa dadkii la dilay.

Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii dhawaan lagu qaaday Jaamacada Gaarisa ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya bishii april ee sanadkii 2015-kii xiligaas oo Aroornimo ay aheyd.

Deegaanka oo dagaalka ka dhacay Xalay ee Buulo Gaduud ayaa  qiyaastii 30km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here