Mudane Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya oo maalmihii dambe ku sugnaa dalka dibadiisa ayaa sheegay in wasaarada ay heshiis la gashay Bankiga Horumarinta Qaarada Africa.
Wasiirka ayaa sheegay in Bankiga Horumarinta ee Qaarada Africa, uu Gudaha soomaliya ka hergalin doono mashaariic kala duwan iyo shaqooyin loo abuurayo Dhalinyarada waxbaratay iyo kuwa xirfadleeyda ah.
Wasiir Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti ayaa sheegay in xiliyadii hore shaqo abuurka ay door muhiim ah ka qaadan jireen kaabayasha dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, iyo Kaluumaysiga, iyo Warshado faro badan,kuwaas oo hadii aan dib loo soo celin kaabayaashii dhaqaalaha oo bur buray ay adag tahay in la helo shaqo ku filan dhalinyarada.
Dhanka kale Mudane Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya ayaa tilmaamay in wasaarada ay ku guuleysatay waxyaabo badan sida in mushaaraad joogto ah loo qoro shaqaalaha dowlada Soomaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira xiligaan.
Ugu dambeyntii Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya ayaa ugu baaqay dhamaan dhalinyarada soomaliyeed in aysan haligin naftooda ayna aaminaan dalkooda.

