Wasaarada Maaliyada  Xukuumada Soomaliya oo Heshiis la Gashay Bankiga Horumarinta Qaarada Africa.

0

Mudane Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  Soomaliya oo maalmihii dambe ku sugnaa dalka dibadiisa ayaa sheegay in wasaarada ay heshiis la gashay Bankiga Horumarinta Qaarada Africa.

Wasiirka ayaa sheegay in Bankiga Horumarinta ee  Qaarada Africa, uu Gudaha soomaliya ka hergalin doono mashaariic kala duwan iyo shaqooyin loo abuurayo Dhalinyarada waxbaratay iyo kuwa xirfadleeyda ah.

Wasiir Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti  ayaa sheegay in xiliyadii hore shaqo abuurka ay door muhiim ah ka qaadan jireen kaabayasha dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, iyo Kaluumaysiga, iyo Warshado faro badan,kuwaas oo hadii aan dib loo soo celin kaabayaashii dhaqaalaha oo bur buray ay adag tahay in la helo shaqo ku filan dhalinyarada.

Dhanka kale Mudane Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  Soomaliya ayaa tilmaamay in wasaarada ay ku guuleysatay waxyaabo badan sida in mushaaraad joogto ah loo qoro shaqaalaha dowlada Soomaliya  iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira xiligaan.

Ugu dambeyntii Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  Soomaliya ayaa ugu baaqay dhamaan dhalinyarada soomaliyeed in aysan haligin naftooda ayna aaminaan dalkooda.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here